Ciidanka Soomaaliya oo sheegtay dilka ajaaniib Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 30-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanka Ceel-qabobe ay ku dileen dagaalyahano Ajaanib ah oo ka bar bar dagaalama kooxda Al-Shabaab, tiro kalena ay nolosha ku qabteen.

Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 30-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ciidanka ay ka war hayeen dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf Raage, dagaalyahanada Ajaanibta ah ee la dilay ama la qabtay ayaa waxa ay wateen hub iyo agab kale oo ay leedahay Shabaab.

“Howlgalka waxa uu ahaa mid taxadar leh loo fuliyey, mana jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray ciidanka, dadka deegaanka iyo kuwa ka agdhawaa, ciidanku aad ayay u feejigan yihiin oo diyaarsan yihiin,” ayuu yiri General Odawaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay gaadiid ay kooxdaasi ku diyaariyeen walxaha qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ururka Al-Shabaab ayaa ah koox xagjir ah oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay afgambiyaan dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.

"Gaadiidkan waxa ay ahaayeen kuwa xamuulka qaada oo doomo lagu soo raray waxaana lagu soo raray walxaha qarxa sida TNT iyo walxo kale oo halis ah, waxa ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, balse ciidanka ayaa gubay gaadiidkii iyo shixnad ay wateen," tibaaxay General Odawaa Yuusuf Raage.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM