Cirro: Uma joojinayno Doorashadda Soomaaliya baaqa mucaaradka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mushkiladda doorashadda Soomaaliya ayaa maalin walba muuqaal cusub yeelanaysa, iyadoo Rooble uu diiday inuu fuliyo dalabka Mucaaradka, ee ah in la hakiyo, islamarkaana lagu soo celiyo hanaanka jidkii saxda ahaa.

Maxamed Xasan Cirro, oo ah gudoomiyaha FEIT ayaa sheegay in doorashadda aysan u joogsan doonin dalabka Musharixiinta mucaaradka, isagoo xusay inay diyaar u yahay sixida waxii tabasho ah oo ka taagan kuraasta illaa hadda la doortay ee Aqalka Hoose.

Cirro oo lagu tiriyo shaqsiyaadka ku dhaw Fahad Yasin, ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay musuq-maasuqa doorashadda, isagoo sidoo kale khilaafka ka dhex abuurey gudiyadda isaga la shaqeeya ee heer Maamul Goboleed.

Rooble ayaa shalay la kulmay Mahdi Guled iyo Cabdi Xaashi oo kuwada heshiiyeen in dib loo billaabo doorashadda kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi [Somaliland], oo ah kuwa khilaafka iyo musuqa ugu badan ka jiro.

Musharixiinta waxay ku goodiyeen inay dhisayaan Golle Qaran, hadii aan la fulin dalabkooda ku aadan doorashadda in laga dhigo mid loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah. Rooble ayaa ka caga-jiidaya cabashadda mucaaradka inuu wax ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM