Colaad beeleed ka qaraxdey Mudug oo lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan u dhaxeeya beelo walaalaha ah.

GAALKACYO, Puntland - Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay colaad u dhaxaysa Beelo walaalaha ah oo kasoo cusboonaatay deegaanka Af-Barwaaqo ee gobalka Mudug.

Ciidamada isku-dhafka ah ee xasilinta gobalka Mudug ayaa deegaanka gaaray iyaga oo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii halkaasi ay dirirtu ku dhex martay.

Taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta gobalka Mudug, Cabdiqani Yaasiin Axmed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamaddu ay kala dhex-dageen beelaha.

"Degaanka Bun-Qalooc ayay ciidamaddaanu saldhig ka dhigteen iyaga oo kala dhex galay beelaha waxaanuna samaynay wacyigelin kooban," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ku lug lahaanshiyaha colaadan ee maleeshiyaadka Shabaab ayuu taliyuhu ku cel-celiyay. "Colaadaha soo laab-laabta waxaa intooda badan ku lug leh kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab waxaanuna ku dadaalnay in aan laga daahin colaadan," ayuu raaciyey.

Afbarwaaqo ayaa waxaa horey usoo martay rabshado u dhaxeeya beelo kuwaasi oo dhacay tobbankii sano ee u dambaysay iyaga oo hoos u dhacay dhawrkii sano ee u danbeeyay.

Reer-guuraaga ayay colaadan ka dhex bilaabatay bilawgii hore iyada oo inta badan ay colaaduhu ka qarxaan ceelasha iyo dhul daaqsimeedka oo ay ku heshiin waayaan dadka wadaaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM