Coronavirus: Axmed Cismaan Xudeydi oo ku geeriyooday Ingiriiska

Image

LONDON, Britain – Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudaydi], oo kamid ah fanaantii Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday caasimadda boqortooyada UK ee London, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

Xudaydi ayaa si gaar ah loogu xusuustaa tumista kabanka. Sidoo kale, wuxuu ahaa macalin dadka bara sidda loo garaaco.

Wararka ayaa waxay intaas ku daraya in uu marxuumka u dhintay fayruska safmareenka ah ee dunida ku faafay ee Corona.

Arbacada maanta ah ayaa qorshuhu yahay in la aaso, iyaddoo a Janaazada ka qeybgalayaan dad kooban, maadaama ay jirto cabsi Covid—19, oo dalkaas Ingiriiska si weyn ugu faafay.

Alle u raxmadee, Xudeydi ayaa ku biiraya liisaska Soomaali ka badan 40, kuwaas oo wadamada Ingiriiska iyo Sweden ugu dhintay cudurkaas dunida oo dhan ku dilay in ka badan 70-kun oo ruux.

Fanaaniin iyo dadweyne kale oo ka tacsiyeeyay geerida Xudeydi ayaa ALLE uga rajeeyay naxariistiisa iyo janada Firdowsa.

Soomaalida ee ku nool wadamada Yurub ayaa lagu dhaleeceeyay in aysan u hogaan-samin talaabooyinka caafimaad ee looga hortagayo caabuqa, waxaaana sababta badisay dhimashada loo aaneeyaa arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM