Coronavirus: Maamulka Jubaland oo digniin culus u diray ganacsatadda

Image

KISMAAYO, Jubaland - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah waxay ganacsatada uga digtay in ay kordhiyaan qiimaha dhamaan badeecadaha kala duwan.

War-saxaafadeed oo arkay mareega GO ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay in shacabka looga faa'iideysto dhibaatada ka dhalatay faafitaanka cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Dadweynaha ayaa lagu booriyey in si deg-deg ah ay soo gudbiyaan hadii ay la kulmaan sarre u kac lagu sameeyay badeecadaha, si wax looga qabto cid kasta oo ku kacday falkaas.

Sidda ku xusan bayaanka, laamaha ammaanka oo heegan la geliyey sababo ku aadan ka hortagga caabuqaas dilaaga ah ayaa waxaa la faray in arrintaas ay si taxadar leh ula socdaan.

Jubaland ayaa horey waxay uga dhawaajisay in ay si weyn ugu diyaar-garowday xakameynta xanuunka oo 21 xaaladood laga soo wariyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shacabka ayaa lagu waaniyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, joogaan guriyahooda isla markaana ay ka fogaadaan meelaha dadka ku kulmaan.

"Waxaa la ogeysiinayaa ganacsade kasta oo lagu helo arrintaas kor ku xusan in la waafujin doono sharciga wuxuu ka qabo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee wasaaradda.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM