Cumar C/rashiid: Soomaaliya xaalad khatar ah bay ku jirtaa

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa Maanta shan sano kadib dib ugu soo laabtey Muqdisho, isagoo socdaalkiisa kusoo aaday xili khilaaf xoog leh ka taagan yahay doorashadda Baarlamaanka.

Waxuu Garoonka kula hadlay warbaahinta, isagoo dul istaagey musuq-maasuqa ka jira doorashadda, oo sababtay in musharixiinta ay qaadacaan.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in qaladaadka ka jira doorashadda ay sabab u tahay habraaca loo marayo oo qaldan, kaasoo markii hore ay ku heshiiyeen madaxda dowladda iyo Maamulada.

"Habraaca wuxuu gacanta u geliyay hogaamiyeyaasha dowladda iyo Maamulada doorashadda, oo ay ku tagri falayaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu intaasi ku daray in doorashadda socoto aan la aqbali karin, islamarkaana ay keenayso in laga hortago ama ay diidaan dadka, taasoo keenaysa xasilooni darro iyo inay meesha ka baxdo dowladnimada.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa imaanaya xili Musharixiinta ay sheegeen inaysan aqoonsan doonin natiijadda doorashadda la boobayo, islamarkaana ay kahor tagi doonaan.

Waxay sheegeen inay kulamo wadatashi ah ay la yeelan doonaan qeybaha kaal duwan ee bulshadda, islamarkaana ay qaadi doonaan tallaabooyin dalka lagu badbaadin doono, oo aysan sheegin nooca ay yihiin.

Bishii April ee sanadkan, Musharixiinta ayaa abaabulay kacdoon hubeysan oo looga hortagay Mudo-korarsigii Farmaajo sida sharci darada u sameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM