Cutubyo kamid ahaa howlgalka AMISOM oo la sagootiyey

Image
Munaasabad lagu guddoonsiinayay billadahan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billado guddoonsiiyay cutubyo ka tirsan ciidamada booliiska Uganda ee loo yaqaan FPU si loogu dhiiragaliyo doorkooda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

160-ka askari ee ka tirsan ciidanka Uganda ee qeybta 9-aad ee FPU ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan dalkooda, kadib markii ay dhameysteen hal sano iyo saddex bilood oo ay la shaqeynayeen AMISOM.

Bookiska AMISOM ayaa taageerayay dhiggooda Booliska Soomaaliyeed (SPF) si ay u sugaan amniga doorashada. Waxa kale oo ay soo qabteen hawlo ay ka mid yihiin ilaalinta xarumaha dawladda, kormeerida, ilaalinta nabadgelyada, ilaalinta VIP-da iyo munaasibadaha heerka sare ah.

Munaasabad lagu guddoonsiinayay billadahan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka aaa hoggaanka booliiska AMISOM.

Taliyaha Boliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Boliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, ayaa ku bogaadiyay Ciiddanka shaqada ka tegaya, sida hufan ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka nabadda Somalia.

AIGP Kailie ayaa ku dartay, “Waxaan rabaa inaan kugu amaano geesinimadaada. Hadda waa markii aad gurigiina aadi lahaydeen. Ma fududa in lagu jiro howlgalkan oo kale.”

AIGP Kailie waxa kale oo uu bogaadiyay cutubyada xiriirka wada shaqayneed ee wanaagsan ee ay la leeyihiin dhigooda Ciidanka Booliska Nigeria inta lagu guda jiro gudashada hawlaha loo igmaday.

Sidoo kale, intii ay socotay xafladda ayaa waxaa xilka ku wareejiyay taliyaha ciidamada FPU-da ee xilka ka sii degaya, Hellen Obol, waxaana uu xilka ku wareejiyay taliyaha cusub, Kormeeraha guud ee Booliiska (SP) Esau Opio Atorom.

Hadalkeeda, SSP Obol ayaa ku bogaadisay saraakiisha iyo howl-wadeennada ciidamada uu waqtigooda dhamaaday sida ay uga qayb-qaadanayaan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.

"Aad baad ugu mahadsan tihiin dadaalkaaga, shaqada adag iyo wada shaqayntiina iyo ka qayb qaadashadaada ku aaddan samaynta nabadda," ayay tiri SSP Obol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM