D. Federaalka oo war kasoo saartey khilaafka Sweden iyo Sucuudiga

Image

March 24, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysey faragelin ay sheegtay in Dowladda Sweden ay ku hayso Boqortooyada Sucuudiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka dowladda Sweden uu xadgudub ku yahay xeerarka diblumaasiyadeed ee dunida.

"Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay cambaaraynaysaa talaabada Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Sweden ku fara-gelinayso arimaha gudaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Hab dhaqankan waxaa uu mamnuuc ka yahay hanaanka iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya wadamada kala madax banaan sida uu qabo xeerarka caalamiga ah, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya" sidaas ayaa war-saxaafadeedka lagu yiri.

Xiriirka Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Sweden ayaa soo xumaadey todobaad kahor markaasoo Dowladda Sucuudigu u yeeratey safiirkeeda. Go'aankaas isaga ah wuxuu Sucuudigu u sababeeyey in Sweden faragelin ku hayso arimaha gudaha ee boqortooyada.

Labada dal waxaa muddo dheer ka dhexeeyey xiriir diblumaasiyadeed iyo mid ganacsi. Carada Sucuudiga ayaa ka dhalatey kadib markii mas'uuliyiin Sweden ka tirsani sheegeen in Boqortooyada Sucuudigu xil weyn iska saarin xuquuqul insaanka gaar ahaan xuquuqda dumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM