Daahir Geelle oo farta-ku-fiiqay arrimo wax ka qabad u baahan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay Garowe Online Twitter Space ayaa sharaxay Ajandihiisa siyaasadeed hadii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Soomaaaliya oo doorashadiisa la qabanayo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta axada ah.

Daahir oo soo noqday wasiirka Warfaafinta ayaa cadeeyay in uu xoogga saaraayo siyaasada jaangoynta ciidanka amniga Soomaaliya oo u baahan dib u habayn badan si ay u noqdaan kuwa ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed bixin karaan mushaarkooda maadaama maalin kaste aan la heli Karin kaalmada caalamiga ah.

Geelle ayaa sheegay in horay dowladda Faderaalka ah iyo Somaliland u galeen wada hadalo aan miro dhal ahayn balse uu hada dardargalin doono wada hada Hargaysa iyo Muqdisho si loo abuuro jawi ka duwan midka hada taagan.

Magacaabista Ra’iisul wasaare

Musharax Madaxwayne Amb Daahir Geele oo la waydiiyay qaabka uu u soo xulan doono Raysal Wasaaraha haduu Xilka qabto, ayaa sheegay in uusan qorshihiisu ahayn in uu soo xusho Ra’iisul wasaare “Yes man ah” oo hadalkiisa oo kaliya maqla.

Waxa uu sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare uu awoodiisa la wareego taas badalkeeda uu qaban doono shaqada uu dastuurku u ogolaanayo.

Daahir ayaa sheegay in uu u soo joogay dhibaatooyinkii Soomaaliya soo martay sidaas darteed uu xafiis banayn doono iyada oo lagu amaanayo shaqadiisa wanaagsan.

Dhismaha ciidan qaran

Musharax Madaxwayne Amb Daahir Geele ayaa ka hadlay waxa uu ka qaban doono Amniga iyo dhisida Ciidan Qaran hadii uu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka midyihiin qodoba uu xoogga saarayo ajandihiisa siyaasadeed si looga baxo ku tiirsanaanta ciidanka shisheeye.

Arrimaha dibada

Amb Daahir Geele ayaa sheegay muhiimada ay leedahay Siyaasada arimaha dibadda iyo xiriirada wadamada Caalamka iyada oo la eegaya danaha qaran ee Soomaaliya.

Geelle ayaa sheegay in go’aanada la qaadanayo in ay noqon doonaan kuwa laga eegayo dhinacyo badan si aan loo lumin fursad ay heli karto dowladnimada Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle oo laba xilli soo noqday wasiir iyo sidoo kale danjire ayaa ka mid ah in ka badan 30 musharax oo illaa iyo haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM