"Dabin" ay maleegayaan kooxda Farmaajo oo lasoo bandhigay

Image
Qorshahan ayaa la sheegay in ay ku xalaaleysanayaan boob ka dhan ah kuraas Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa naqdiyey go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka ku meelmariyey kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankaas uu yahay mid lagu "xalaalaynayo kuraas la boobi karo iyo jidgooyo ka dhan ah kuraas kale".

Warsame oo rumeysan in madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uusan diyaar u ahayn doorasho daahfuran ayaa dad uusan magacaabin wuxuu ku eedeeyay "in aysan fahmin dabinadda la qoolayo".

"Go’aanka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay ku xalaaleeyeen kursiga Yaasiin Fareey loo boobay waa nabar la filayey naxdin ma leh. Labo ujeeddo midkood ayaana la doonayaa in uu xaqiijiyo," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu xusay: "Tan hore, waa la in lagu banaysto kuraasta loo boobayo Farmaajo, jid-gooyana loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaannada gacantiisa ka baxsan".

"Haddii tan hore socon wayso waa in doorashada oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda," ayuu raaciyey.

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: "Ma jirto mar uu Farmaajo aqbalayo doorasho hufan oo si daahfuran lagula tartamo. Waxaase ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo lagu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qoolayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadiisu waa doorasho hufan, ama dadkoo talada loo celiyo".

Doorashooyinka sida weyn dib ugu dhacay ee Soomaaliya ayaa abuuray cimilo dhiilo wadata iyo baqdin weyn oo la xiriirta in maxsuulka lagu murmi karo maadaama geedi-socodka ay dhaliil xooggan ka muujiyeen mucaaradka xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM