Dabley loo maleynayo Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho

Image
Waa falkii ugu horeeyay noocaan ah oo muddo kadib ay kooxda ka fuliso caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar loo maleynayo in ay ka dambeysay Al-Shabaab oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa waxaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Falkan oo ka dhacay bar koontarool oo ciidamada ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa illaa haatan xog dheeraad ah aysan ka bixin hay'adaha nabad-gelyadda.

Kooxihii weerarka geystay oo aan heybtooda la garan ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta weerarka kadib, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda falkan.

Dagaalameyaasha hubeysan oo wata Bas yar, ayaa waxay beegsadeen koontaroolka Tiida ee wadada xiriirisa degmadda Dayniile iyo xaafadda Daarusalaam.

"Digniin la’aan ayay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka ka hor inta aysan ku guuleysan inay goobta ka baxsadaan," ayuu Garowe Online u sheegay sarkaal ka gaabsadey magaciisa.

Waa dhif iyo naadir weerarada noocaan oo kale ah ee Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay geysanayeen, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee lagu qaado koontarool ciidamada ay ku leeyihiin caasimadda in muddo ah.

Weerarkii ka dhacay degmada Deyniile ayaa dadka qaarkiis walaac ka muujiyay sida uu u fudud yahay dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo sidda uu khatar ugu abuurayo laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM