Dacwadda dhismaha golaha deegaanka Bosaso oo Garowe ka furantay

Image
Image
Image
Image

04 November, 2015(GO)-Maxkamadda sare ee Puntland  ayaa manta u fariisatay dhagaysiga dacwad ka dhan ah dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso, kaasi oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah odayaasha degmadaasi iyo musharax u taagna jagada duqa degmada Bosaso, balse isu casilay sababo uu ku tilmaamay in la musuq maasuqay soo xulista Xildhibaanada.

Shanta oday ee dacwadda keenay ayaa doorashadii dhawaan dhacday ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn xeerka dhismaha golaha deegaanka ee degmooyinka A-da loo yaqaano kuwaasi oo sharciga L.7 siinayo 27 Xildhibaan, balse laga dhigay 29 mudane.

Qareenada u doodayay dowladda iyo odoyaasha dacwadda keenay, ayaa soo bandhigay cadaymo la xiriirta arrintaasi, waxaana qareenka odoyaashu tilmaamay in guddigiii doorashadu sameeyeen musuq-maasuq iyagoo ka tagay xildhibaano soo saxiixeen odoyaasha dacwoonaya.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Cabdiqaadir Axmed Maxamuud ayaa sheegay dacwadda la xariirta dhismaha golaha deegaanka Bosaso la isagu soo laaban doono shan cisho ka dib, iyadoona qareenka u doodaya dhanka dowladda laga codsaday inuu soo dhamaystirto cadaymaha ka maqan.

Dhawaan ayay ahayd markii la dhisay golaha deegaanka degmada Bosaso, waxaana doorashadaasi cod aqlabiyad leh ku guulaystay Eng: Yaasiin Cumar Maxamuud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM