Dad biyo la'aan ugu geeriyoodey gobolka Shabeellada Dhexe

Image

March 22, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafey biyo la'aan ugu geeriyoodey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadkaas oo carruur u badan waxay ku geeriyoodeen tuulada Yaaqley iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, halkaasoo muddo sanad ka badan aanu wax roob ahi ku di'in.

Nabadoon Cabdiraxmaan Madoobe oo kamid ah waxgaradka tuulada Yaaqley ayaa warkaas u xaqiijiyey warbaahinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qiimaha biyuhu aad kor ugu kacay halka litirna lakala siisanayo lacag dhan labaatan kun oo shilin Soomaali ah una dhiganta $1.

Nabadoonku wuxuu baaq u direy Dowladda Federaalka, hay'adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee khayrka jecel, isagoo ka codsaday inay dadka dhibaateysan usoo gurmadaan.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli roobabkii Gugu curteen, meelo badan oo Soomaaliya ka tirsanna uu roob ka da'ayey labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Tuulada Yaaqley ayaa kamid ah deegaanada ururka Al-shabaab ka arimiyo, waxaana adag in si dhaqso ah halkaas gurmad loo gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM