Dad kasoo cararey dagaallada Yemen oo Boosaaso yimid

Image
Image
Image
Image

April 1, 2015 (GO)- Qaybtii labaad ee ah muhaajiriin Soomaaliyed oo kasoo cararey dagaallada ka soconaya dalka Yemen ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso.

Dadkan oo tiradoodu gaareyso 92 qof waxay isugu jiraan 33 rag ah, 31 dumar ah iyo 28 ilmood.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, saraakiil ka tirsan laamaha socdaalka iyo mas'uuliyiin ka socotey hay'adaha amniga ayaa dadkaas kusoo dhoweeyey dekedda magaalada Boosaaso.

Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in dadkan dib u dejin loo sameyn doono islamarkaana loo fidinayo daryeel caafimaad kuwa doonaya inay ku noqondaan deegaanadii ay markii hore ka tageenna dhanka safarka laga caawin doono.

Xaaladda dalka Yemen ayaa kasii dartey kadib markii diyaaradaha is-bahaysiga Carabtu duqeynta ka bilaabeen, markaasoo cabsi xooggani soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

Qaybtii ugu horreysey ee qaxooti ah ayaa labo maalmood kahor soo gaarey Somaliland iyagoo kasoo degey dekedda magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM