Dad kasoo cararey dagaallada Yemen oo Boosaaso yimid

Image
Image
Image
Image

April 1, 2015 (GO)- Qaybtii labaad ee ah muhaajiriin Soomaaliyed oo kasoo cararey dagaallada ka soconaya dalka Yemen ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso.

Dadkan oo tiradoodu gaareyso 92 qof waxay isugu jiraan 33 rag ah, 31 dumar ah iyo 28 ilmood.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, saraakiil ka tirsan laamaha socdaalka iyo mas'uuliyiin ka socotey hay'adaha amniga ayaa dadkaas kusoo dhoweeyey dekedda magaalada Boosaaso.

Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in dadkan dib u dejin loo sameyn doono islamarkaana loo fidinayo daryeel caafimaad kuwa doonaya inay ku noqondaan deegaanadii ay markii hore ka tageenna dhanka safarka laga caawin doono.

Xaaladda dalka Yemen ayaa kasii dartey kadib markii diyaaradaha is-bahaysiga Carabtu duqeynta ka bilaabeen, markaasoo cabsi xooggani soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

Qaybtii ugu horreysey ee qaxooti ah ayaa labo maalmood kahor soo gaarey Somaliland iyagoo kasoo degey dekedda magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM