Dad ku dhintay Roobab Xoogan Oo ka da'ay Soomaaliya [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen roobab xooggan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafayay si xiriir ah uga da'ayay magaalada Muqdisho.

Dadkan oo caruur u badnaa ayaa ku dhintay degmooyinka Wadajir, Hodon iyo Xamar-weyne ee gobolka Banaadir kadib markii biyo fatahaad ah oo Roobabka ka dhashay ay qaadeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida dadkan, waxaana ay intaasi ku dartay in la lasoo daad-gureeyay kumanaan qoys oo u badan dadka barakaciyaasha ah ee ku noolaa kaamamka magaalada gudaheeda ku yaalla.

 - Puntland -

Fatahaad ka dhashay roobabka dalka ka da'aya ayaa la tagay dad iyo xoolo badan deegaano ku yaalla gobolka Bari, waxaana ku dhintay 5 qof, sida ay mas'uuliyiinta gobolku ay xaqiijiyeen.

Gudoomiyaha magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa sheegay in qoysas gaaraya 200 ay ka barakaceen Kaamka Tawakal oo ku yaalla galbeedka magaalada kadib markii badda ay kusoo fatahday.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la saadaalinayay in xeebaha Puntland ay kusoo wajahan yihiin roobab xooggan oo dabeylo wata iyoo duufaanta Cyclone, taasi oo ku wajahan dalal ay Soomaaliya iyo Jabuuti kamid yihiin.

 - Somaliland -

Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in dad gaaraya 15 qof ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah, oo ka da'ay degmooyinka Lughaye iyo Baki oo katirsan gobolka Awdal.

Kumanaan kale ayaa ku barakacay fatahaadda ku dhufatay deegaanada gobolkaasi kuwaasi oo dalabanaya in lasoo gaarsiiso gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA ROOBKA MUQDISHO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM