Dad ku sumoobey deegaanka Dacarre ee gobolka Nugaal

Image

January 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan 12 qof ayaa maanta ku sumoobey tuulada Dacarre oo 20km u jirta deegaanka Kalabeyr ee gobolka Nugaal.

Dadkan oo 11 kamid ah lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee degmada Garowe waxaa la sheegay inay ku sumoobeen cunto ay maqaaxi deegaankaas ku taalla ka cuneen.

Sida qaar kamid ah dadka deegaanka oo Garwe Onlie khadka telefoonka kula hadlay sheegeen, waxay suntu ka timid saliid cuntada lagu kariyey oo ku jirtey caag aan nadiif ahayn.

Qaar kamid ah bukaanada lasoo gaarsiiyey Garowe xaaladooda caafimaad way liidataa sida u Garowe Online u xaqiijiyey Dr. Carabey oo kamid ah dhaqaatiirta xaalada dadkaas la tacaalaya.

Ma ahan markii ugu horeysey ee dhacdo caynkan oo kale ahi ka dhacdo deegaanada Puntland, waxaana arintan oo ku badan miyiga iyo tuulooyinka yaryar loo sababeeyaa dadka reer guuraaga oo adeegsada weelal aan nadiif ahayn, gaar ahaan jirigaammada iyo caagadaha yaryar ee lagu keeno sunta iyo chemicals-ka kale ee halista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM