Dad ku sumoobey deegaanka Dacarre ee gobolka Nugaal

Image

January 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan 12 qof ayaa maanta ku sumoobey tuulada Dacarre oo 20km u jirta deegaanka Kalabeyr ee gobolka Nugaal.

Dadkan oo 11 kamid ah lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee degmada Garowe waxaa la sheegay inay ku sumoobeen cunto ay maqaaxi deegaankaas ku taalla ka cuneen.

Sida qaar kamid ah dadka deegaanka oo Garwe Onlie khadka telefoonka kula hadlay sheegeen, waxay suntu ka timid saliid cuntada lagu kariyey oo ku jirtey caag aan nadiif ahayn.

Qaar kamid ah bukaanada lasoo gaarsiiyey Garowe xaaladooda caafimaad way liidataa sida u Garowe Online u xaqiijiyey Dr. Carabey oo kamid ah dhaqaatiirta xaalada dadkaas la tacaalaya.

Ma ahan markii ugu horeysey ee dhacdo caynkan oo kale ahi ka dhacdo deegaanada Puntland, waxaana arintan oo ku badan miyiga iyo tuulooyinka yaryar loo sababeeyaa dadka reer guuraaga oo adeegsada weelal aan nadiif ahayn, gaar ahaan jirigaammada iyo caagadaha yaryar ee lagu keeno sunta iyo chemicals-ka kale ee halista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM