Dad loo soo qabtey mas'uuliyadda weerarka iyo khasaaraha oo kordhay

Image

February 21, 2015 (GO)- Dad badan ayaa loo soo qabtey ku lug lahaanshaha weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay Al-shabaab la beegsatay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo xalay warbaahinta la hadlay waxyar kaddi markii uu soo gaba gaboobey shir aan caadi ahayn oo xubnaha Golaha Wasiirradu isugu yimaadeen ayaa sheegay in lasoo xirey labo iyo toban qof.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka la qabtey labo kamid ahi ka tirsan yihiin maamulka Central Hotel halka tobanka kalena yihiin ilaalada gaarka ah ee hoteelka.

Dadkan qaar kamid ah wuxuu wasiirku sheegay in tuhun weyn laga qabo inay qayb weyn ka qaateen fulinta weerarka islamarkaana fududeeyeen qaabka gaariga qarxay lasoo geliyo gudaha hotelka.

"ilaa iyo hadda hay'adaha aamnigu waxay soo qabteen ilaa labo iyo toban qofood oo labo kamid ahi yihiin mas'uuliyiinta hoteelka , toban kalena yihiin waardiyeyaalkii hoteelka joogey oo qaar kamid ah aan tuhunsannahay inay fududeeyeen gaarigaas qarxay in gudaha la geliyo" ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddi heer qaran ah u saarey inay soo baaraan weerarkan, qaaka uu u dhacay iyo weliba sida mustaqbalka dhow looga gaashaaman karo weerarro kale oo caynkan ah.

Guddigaas oo madax looga dhigey Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaa sidoo kale ku jira Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdirixhman Maxamed Xuseen, Wasiirka Gaashaan-dhigga Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Dhanka kale waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii shalay, waxaana sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha weerarkaas ku dhintey ugu yaraan labaatan iyo shan qof waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen ku dhowaad afartan qof oo kale.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, qaar horay xilal uga soo qabtey iyo siyaasiyiin caan ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM