Dad loosoo xiray dhalinyaro lagu dilay magaalada Muqdisho

Image
Eedeysaneyaasha ayaa cod dheer waxaa lagu dalbadey in ay wajahaan cadaaladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysenayaashii habeenimadii Khamiista rasaasta ku dilay labada marxuum walaalo ahaa.

Marxuumiinta oo qoyskooda dalbanayo cadaalad ayaa kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, kuwaasoo Isgoyska Dabka lagu dilay iyagoo Bajaaj saaran.

Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, sida uu boolisku sheegay.

"Soo qabashadda raggan ayaa timid kadib markii ehelada labada marxuum ay sheegeen in meydadka aan la aasi doonin illaa cadaaladda laga soo taagaya kuwii dilay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska.

Dhanka kale, Rasaas la sheegay in ay fureen cutubyo kamid ah ciidamadda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ku nafwaayey Mahad C/raxmaan Maxamuud, oo ah wiil dhalinyaro ah.

Falkan oo sidoo kale xoojiyey carro xooggan oo ka dhalatay toogashadda labada walaalaha ah ayaa waxaa laga soo wariyey nawaaxiga isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo dadwayne dilalkan uga falceliyey baraha bulshadda waxay dalbadeen in cadaaladda ay wajahayaan dadkii ka dambeeyay falalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM