Dagaal saaka mar kale dib uga bilowdey degmada Guriceel

Image

February 12, 2015 (GO)- Dagaal xooggan ayaa saaka mar kale dib uga qarxey degmada Guriceel ee gobolka Galguduud halkaasoo dagaal shalay ka dhacay 15 qof ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalku wuxuu bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka oo kasoo baxay degmada Dhuuso Mareeb ay Guriceel dhowr jiho kasoo weerareen.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo dagaalka saaka iyo khasaaraha uu geystey maadaama Guriceel iyo deegaanada ku xeeran is-gaarsiintu ka go'an tahay.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ayaa hoggaanka Ahlu Sunna ku eedeeyey inay qaadayaan mas'uuliyadda khasaaraha ka dhasha dagaalada ka soconaya Guriceen.

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna ayaa sheegay inay difaacanayaan deegaanadii ay horay ugu sugnaayeen lana dagaalamayaan wax ay ku tilmaameen burcad-badeed iyo mileeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalka saaka dib mar kale Guriceel uga bilowdey ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii mileeshiyaadka Ahlu Sunna degmadaas kala wareegeen ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM