Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo Baraawe ka dhacay

Image
Dadka deegaanka ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Inta la hubo ku dhawaad toban qof ayaa ku geeriyooday dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ka dhacay Baraawe.

Dagaaladaan ayaa u dhaxeeya ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Daraawiishta koonfur galbeed ee Soomaaliya iyada oo aan la ogayn sababta dhabta ah ee dagaalka.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ee maamulka Koonfur galbeed, Maxamed Ibraahim Bare oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhawaad toban qof ku dhinteen.

Barre oo sii hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay xabad joojiyaan isla markaana la kala qaadayo ciidamada.

Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku haya madaxtooyada koonfur galbeed ee Baraawe iyada oo ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan ay yihiin kuwii horey halkaasi ugala wareegay.

Dadka deegaanka ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan iyaga oo ku tilmaamay kuwa hab beeleed u abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM