Dagaal xooggan oo ka dhacey gobolka Bakool

Image

February 28, 2015 (GO)- Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa ku dhintey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee gobolka Bakool.

Dagaalka oo socdey muddo dhowr saac ah wuxuu dhex maray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Bakool Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in dagaalku bilowdey kadib markii ciidamada huwantu weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ciidan oo Al-shabaab ku leedahay deegaanka Ceelbaar.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen siddeed dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab tiro intaas ka badanna ay dhaawaceen. Dhankood wuxuu sheegay in saddex askari ka dhinteen laba kalena dhaawac fududi soo gaarey.

Docda kale, Al-shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka Ceelbaar, waxaana afhayeen ururkaas u hadley uu sheegay inay ku dileen ugu yaraan toban askari islamarkaana ku gubeen dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya todobaadyo kaddib markii saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool sheegeen inay bilaabayaan hawlgal ballaaran oo gobolkaas Al-shabaab looga sifeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM