Dagaal xooggan oo ka dhacey gobolka Bakool

Image

February 28, 2015 (GO)- Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa ku dhintey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee gobolka Bakool.

Dagaalka oo socdey muddo dhowr saac ah wuxuu dhex maray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Bakool Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in dagaalku bilowdey kadib markii ciidamada huwantu weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ciidan oo Al-shabaab ku leedahay deegaanka Ceelbaar.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen siddeed dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab tiro intaas ka badanna ay dhaawaceen. Dhankood wuxuu sheegay in saddex askari ka dhinteen laba kalena dhaawac fududi soo gaarey.

Docda kale, Al-shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka Ceelbaar, waxaana afhayeen ururkaas u hadley uu sheegay inay ku dileen ugu yaraan toban askari islamarkaana ku gubeen dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya todobaadyo kaddib markii saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool sheegeen inay bilaabayaan hawlgal ballaaran oo gobolkaas Al-shabaab looga sifeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM