Milatariga Soomaaliya: Waxaan dilnay 13 kamid ahaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in 13 kamid ahaa xoogaga Al-Shabaab ay ku dishay howlgal laga sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo fuliyeen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ka dhacay degaanka Leego, oo Koonfur Galbeed kaga toosan Muqdisho.

Warbaahinta ciidamadda qalabka sidda ayaa ku warantay in dagaalameyaal kale uu dhaawac kasoo gaarey.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamada ku sugan gobolka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid guuleystay, wallow uusan xusin dhankooda waxyeelo jirto.

"Ku talagalkeenu wuxuu ahaa in aan beegsano argagixiada iyo taliyeyaashooda waqtigaasna howlgalka wuxuu ahaa mid degdeg ah oo lagu naafeeyay," ayuu hadalkiisa ku daray Maalin.

Dhaqdhaqaaqa milatari ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamo cusub oo lagu soo tababaray Turkiga ay soo gaareen Muqdisho.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee ciidamadda Soomaaliya, ayaa u mahadceliyey Turkiga, isagoo sheegay in askarta cusub ay xoojin doonan baacsiga maleeyshiyaadka argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM