Dalalka dariska oo aan rabin in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda olole xoogan oo ay ku dooneyso in ay kusoo afmeerto cunoqabateyntan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku booriyay in cunaqabateynta hubka laga qaado shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan hadda ka soo bixin ujeedadii laga lahaa.

Matt Bryden, guddoomiyaha hay'adda Sahan oo sameysa cilmi baaris ku saabsan siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika, ayaa sheegay in inkasta oo cunaqabateynta laga qaaday Soomaaliya ay tahay tallaabo wanaagsan oo ay Soomaaliya isku dayeyso in ay ku xaqiijiso madax bannaanideeda, haddana ma jiraan cadeymo la taaban karo oo ah horumar dhanka ammaanka ah.

"Ma cadda in qaadista cunaqabateynta hubka ay dhab ahaantii wax ka bedeli doonto xaaladda ama u ogolaaneyso dowladda inay horumariso booskeeda militari," ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaa horay u jiray ka-dhaafitaanno dowladda si ay u hesho kaalmo milateri, waxaana jira xaddidaadyo kooban oo ku saabsan noocyada hubka ee ay soo iibsan karto."

Bryden oo u waramay warbaahinta VOA-da ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awoodin in ay hesho hub tayo sare leh, xitaa haddii laga qaado cunaqabateynta.

Wuxuu intaas ku daray in inkastoo ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan cunaqabateynta ay saareen dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Itoobiya, haddana ay weli ka cabsi qabaan in hubku uu weli ku dhici karo gacmo qaldan.

Waxa uu xusay in xitaa Golaha Ammaanka oo Afrika ay ku matalaan saddex waddan, uu weli mowqifka Midowga Afrika ka soo horjeedo qaadista cunaqabateynta.

"Waxaan u maleynayaa in walaaca ay qabaan dalalka gobolka, kuwa deriska la ah Soomaaliya, ee ku saabsan qaadista cunaqabateynta hubka ay tahay in dowladda federaalka aysan xukumin xuduudaha dhulka ama xuduudaha badda ee Soomaaliya," ayuu yiri.

Bryden ayaa waxa uu kusoo gabagabeeyay: "Markaa, waxaa jira walaac laga qabo in hubku uu si xor ah u soo galo Soomaaliya, sida ay sameeyaan xitaa shuruudaha cunaqabateynta hubka". Kooxda Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee dhanka ammaanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

 Soomaaliya oo laga reebay dalalka Muwaadiniintooda Fiisaha Kenya loo fududeeyay

Soomaaliya ayaa laga reebay sababo la xiriira amniga, sida Liibiya oo ku taalla waqooyiga Afrika.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 09:27AM

Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Halevi go’aanka uu ku istaagay, isagoo ku baaqay in Netanyahu uu ku daydo.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 07:10AM