"Daldaloolada ku jiray" khudbadii uu Farmaajo u jeediyey dadweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay khudbadii uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kasoo duubay Madaxtooyadda kana hadlay xaalada dalka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo uu "dhinac maray" qodobo muhiim ah oo looga fadhiyey in uu kusoo hadal qaado hadal-jeedintiisa aadka loo sugayey.

"Shacabka wuxuu maanta filayey in madaxweynuhu ka hadlo xaalada adag ee uu dalku marayo. In uu dadka dejiyo oo cabsida, welwelka iyo jahwareerka uu sababay Karoona Fayris kala hadlo," ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyey arrimaha la filayey in Farmaajo caddeeyo kana mid ah "daldaloolada ku jiray" muuqaalka uu soo duubay.

"[Inuu] la wadaago shacabka sida ay dawladu u wajahayo halista Karoona Fayris, sida ay u yarayn lahayd saamaynta taban ee dhinac dhaqaale, muujiyana dareenkiisa ku aadan dadka fayriska u dhintay iyo kuwa uu xanuunkiisa hayo. Keliya wuxuu madaxweynuhu Karoona ka soo hadal qaaday in uu dabaaldegii ka hor istaagay," ayuu siyaasiga raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu ku daray: "Iyadoo dayac iyo daryeel xumi ba’an laga soo sheegayo Cusbitaaladii, iyadoo dalkii deegaano badan colaado sokeeye ka socdaan ayuu Madaxweynuhu door biday in uu waqtigii is amaanid ku lumiye; dayntii ayaa nala ka cafiyey, musuqmaasuq ayaan la dirirnay, dalkii Alshabaab ayaan ka xoraynay, doorashadii Guddiyo ayaan u xilsaarnay iwm".

"Halista Karoona Fayris, waxaan ka dhicin hoggaan xumida dalka haysata ee Ilaaheey ha inoo yasiro xaalka," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ay qoondeysay shan milyan oo looga jawaabayo dhibaatada soo korortay ee Covid-19, balse waxay si cad u caddeysay in dhaqaalahaas uusan ku filneyn dedaalada socda.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM