Damacyada hungoobay ee xudunta u ah gadoodka shaqsiga ah ee Deni

Image
Cabdiqafaar Xaange, wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladda federaalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Puntland ayaa go'aansadey in uusan la shaqeyn dowladda federaalka markii uu ku hungoobay xilka ra'iisul wasaaraha, sidda uu sheegay mas'uul sarre.

Cabdiqafaar Xaange, wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladda federaalka oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Dalsan, ayaa carabka ku adkeeyay in xaalad abuurka Saciid Cabdullaahi Deni ay salka ku hayso "khilaaf iyo dano shaqsi ah".

"Mida labaad waxa weye damaca uu ka leeyahay [doorashada Puntland] oo muddo kororsi ayuu rabaa. Waad la socotaa muddo xileedkiisa waxa uu ku eg-yahay Janaayo 7-deeda, 2024; 8-da Janaayo waa in ay doorasho dhacdaa," ayuu yiri.

Dadka uu xilalka la rabay Saciid Deni

Xaange ayaa intaas ku daray in Deni uu isku-dayayo in uu odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha Puntland "ku indho-sarcaadiyo cadow dibada ah baa nagu soo duulay si uu muddo kororsi u sameysto".

"Midda saddexaad waxa weye Saciid waxa uu halkan [Muqdisho] yimid isaga oo wata doonis gaar ah oo iyadana ay hungowdey oo ah xilal uu la rabay dad qaraabadiisa ah," ayuu hoosta ka xariiqay wasiir ku xigeenka.

Sidda laga soo xigtey mas'uulkan, dalabaadka Deni waxaa kamid ahaa in wiilkiisa looga dhigay guddoomiyaha guddiga batroolka, in walaalkiisa safiirka Imaaraadka laga dhigo, in isaga qandaraasyo gaar ah loo xiro "oo intaba uu waayay".

Ololihii Deni ee ku kacay $30 milyan

"Dano siyaasadeed, dano dhaqaale iyo dano qoys oo intaba isaga ku dhamaanaya ayaa horta khilaafka asal u ah," ayuu tibaaxay. "Qadiyad khuseysa awood-qeybsi hadday jirto waa in banaanka la keeno oo si daahfuran looga wada hadlo".

Dhinaca kale, wasiir Xaange oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa caddeeyay in lacag ka badan $30 milyan uu Deni ku kharash-gareeyay ololihiisa madaxtinimada Soomaaliya.

"Qiyaastii lacag ku dhow $30 milyan oo isugu jirta qaar laga soo bixiyey qasnada Puntland iyo in ka timid shisheeye ayuu Saciid Deni ku bixiyey ololihii doorashada madaxtinimada Soomaaliya; wayna ka badan kartaa," ayuu xaqiijiyey.

Doorashaddii 15-kii May, 2022-kii

Madaxtooyadda Puntland ayaa illaa haatan ka jawaabin sheegashooyinka Xaange oo wasiirka qorsheynta kasoo noqdey xukuumadda Deni kahor inta uusan noqon mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee federaalka.

Deni ayaa doorashadii qabsoontey 15-kii May, 2022-dii waxa uu wareegga koowaad kusoo baxay kaalinta labaad. Hase ahaatee, labadii wareeg kale ee ka dambeeyay ayaa hoos-u-dhac ku yimaadeen codadkii uu dhiibtey.

Khilaafka Deni iyo Villa Soomaaliya ayaa soo shaac-baxay iyadda oo sanad-guuraddii koowaad ee muddo xileedka madaxwayne Xasan Sheekh ay dhowr maalmood ka dhigan tahay lana filayo in dhowaan uu dhaco shirka wadatashiga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Masar tagey kadib heshiiskii Itoobiya

Booqashadan ayaa timid xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay xalliyeen xiisadihii u dhexeeyay, kadib heshiiskii Ankara ee 11-kii December.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 06:17AM

 Soomaaliya oo laga reebay dalalka Muwaadiniintooda Fiisaha Kenya loo fududeeyay

Soomaaliya ayaa laga reebay sababo la xiriira amniga, sida Liibiya oo ku taalla waqooyiga Afrika.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 09:27AM