Danjire Bari-Bari oo ku geeriyoodey weerarkii Hotel Maka Al Mukarama

Image

March 27, 2015 (GO)- Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa kamid ah dadka ku dhintey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaddey Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dhaawac culus oo soo gaarey ayuu u geeriyoodey danjiruhu, kadib markii dhowr xabo looga dhuftey saableyda.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida danjiraha.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM