Deni: Dawladda Puntland ma aqbali doonto in Soomaaliya gasho Firaaq Dastuuri ah iyo mid Hogaanka ah

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweyne Deni ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay kalfadhiga 57aad ee Baarlamaanka Puntland, isagoo ka jeediyay Khudbadiisa dastuuriga ah, oo uga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya Puntland iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Soomaaliya wajahayso xaalad adag oo hubanti la'aan ah xili mudo-xileedka dowladda federaalka ka haray 6 bilood, islamarkaana aan jirin heshiis siyaasadeed oo ku aadan hanaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

“Dawladda Puntland marna ma aqbalayso in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo dastuurka kumeelgaarka ah, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq sharci iyo mid hoggaamineed” ayuu yiri Deni.

Deni wuxuu xusay inay Puntland indhaha ka fiirsanayn inuu dalka dib ugu laabto halkii laga keenay, oo la lumiyo guulihii laga gaarey dowlad-dhiska iyo nabad kusoo-dabaalista, isagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay danta qaranka in la siiyo mudnaanta 1aad, oo aan laga hormarin mida shaqsiga.

Xiriirka Puntland iyo dawladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo dhamaadkii 2022, iyadoo Madaxweyne Deni shaaciyay in illaa laga helayo ku ku dhaqanka dastuurkii heshiiska lagu ahaa iyo dhowrista nidaamka Federaalka, uu maamulkiisa wax wadashaqeyn ah la yeelan doonin Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM