Deni iyo Axmed Madoobe oo kulamo ka bilaabay Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Safiirka Dowladda Ingirisiiska ee Soomaaliya Kate Foster.
Dhanka kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isla galabta hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Illo ku dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in is-aragyaddan diiradda lagu saarey xaalada dalka iyo shirka soo aadan ee golaha wadatashiga qaranka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
"Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii qaramada Midoobay ay u tageeri lahayd dadaalada socda," ayay tiri Madaxtooyadda Jubaland.
Deni iyo Axmed Madoobe ayaa shalay soo gaarey Muqdisho. Shirka golaba wadatashiga qaranka waxaa loo muddeeyay 27-ka December, balse waqti kale looma cayilin.
Dib-u-dhaca waxaa ku keenay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta waxay is-dhaafsadeen hadalo xanaf leh. Rooble wuxuu taageero ka helay gudaha iyo dibadda.
GAROWE ONLINE