Deni iyo Axmed Madoobe oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Image
Image
Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa shalay waxay soo gaareen magaalada caasimadda ahi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Safiirka Dowladda Ingirisiiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Dhanka kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isla galabta hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Illo ku dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in is-aragyaddan diiradda lagu saarey xaalada dalka iyo shirka soo aadan ee golaha wadatashiga qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii qaramada Midoobay ay u tageeri lahayd dadaalada socda," ayay tiri Madaxtooyadda Jubaland.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa shalay soo gaarey Muqdisho. Shirka golaba wadatashiga qaranka waxaa loo muddeeyay 27-ka December, balse waqti kale looma cayilin.

Dib-u-dhaca waxaa ku keenay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta waxay is-dhaafsadeen hadalo xanaf leh. Rooble wuxuu taageero ka helay gudaha iyo dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM