Deni iyo Axmed Madoobe oo la kulmay danjiraha Norway

Image
Is-araggan ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saarey "xaaladda guud ee dalka si gaar ah doorashooyinka".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa caawa Muqdisho waxay siyaabo kala duwan kula kulmeen danjiraha dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sida ku cad bayaano kala duwan oo xafiisyadda Saciid Deni iyo Axmed Madoobe faafiyeen, is-araggan ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saarey xaaladda guud ee dalka si gaar ah doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Heidi Elburgi Johansen, ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya," ayay tiri Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimaha  doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka".

Dhanka kale, madaxtooyadda Puntland ayaa tiri "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan qeybta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Heidi Elburgi Johansen".

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli xafiiska Qaramada Midoobay uu maanta si furan u soo dhaweeyay heshiiska dhowaan madaxda Soomaalida ka gaareen khilaafka doorashooyinka.

James Swan, wakiilka UN-ka ayaa ugu baaqey Madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si dhaqso ah ku hirgeliyaan go'aanada Shirkii Muqdisho, ee shalay lasoo gabagabeeyay, islamarkaana lagu qabto doorashadda 40-ka maalin ee lagu heshiiyay.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa ka digay dib u dhac kale, oo sababi kara in Soomaaliya ka weecato dhabihii dib u dhiska soo socday tobanaanka sano, oo Beesha Caalamka dhaqaalo badan uga baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM