Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxdan ayaa ka qeybgalaysa shirka uu iclaamiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

"Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Kaasi oo uu shaaciyey Ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland  H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

"Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayuu yiri xafiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM