Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxdan ayaa ka qeybgalaysa shirka uu iclaamiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

"Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Kaasi oo uu shaaciyey Ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland  H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

"Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayuu yiri xafiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM