Deni iyo Qoorqoor oo Ku Daysho Mudan: Muhiimada Nabadeynta Beelaha Soomaaliyeed

Image

Galkacayo, Soomaaliya – Labadii maalmood ee ugu dambeysay, madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Galkacayo, kaas oo ay kaga wada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa beelaha dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamayey deegaanno hoos yimaada maamulladooda.

Shaqada nabadeynta, ilaalinta amniga, iyo kor u qaadidda nolosha dadka ku nool deegaannada hoos yimaada maamulada waxaa iska leh dowlad goboleedyada Soomaaliya (FMS). Dowlada Federaalka waxa ay kaalin ku leedahay taageerada arrimahan, balse waa in aysan si toos ah u soo faragelin, Nasiib darro, shaqadan muhiimka ah ayaa muddooyinkii dambe dayacneyd.

Waxaa bogaadin mudan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Deni iyo Qoorqoor, kuwaas oo furey bog cusub oo ah iney qabtaan shaqadaan muhiimka ah si geesinimo leh xilli dowlada federaalka ee hadda talada haysa lagu eedeynayo ineysan ku mashquulsaneyn arrimaha gudaha iyo isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan iyadoo lagu eedeeyey kala fogeynta maamul goboleedyada iyada oo laga dhexwadey mudooyinkaan dambe siyaasado lagu kala qoqobaya.

Waxaa sidoo kale bogaadin mudan madaxweynaha Galmudug oo xiliyadii ugu dambeeyey isku mashquuliyey inuu heshiis dhex dhigo beelaha ku wada nool maamulka Galmudug, isaga oo gaarsiiyey heer uu xalliyo khilaafaad beelood iyada oo aan loo baahnayn in dowladda federaalka ay soo fara geliso.

Dhiirigelinta Nabadeynta iyo Adkeynta Amniga

Kulanka dhexmaray madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in dowladaha qaybta ah dowlada federaalka ah ka shaqeeyaan sugidda nabadda iyo amniga. Iskaashigooda wuxuu tusaale u yahay sida maamulada goboleedyadu ay hoggaanka ugu qaban karaan xalinta khilaafaadka iyo dhisidda kalsoonida bulshada.

Waxaa lagama maarmaan ah in madaxda goboleedyadu mudnaanta siiyaan dadaallada nabadeynta iyo in la hubiyo nabadgelyada iyo wanaagga dadka ay maamulaan. Marka ay sidaas sameeyaan, waxa ay gacan ka geysanayaan xasilloonida gobolladooda iyo midnimada guud ee Soomaaliya. Doorka dowladda federaalka waa in uu noqdo mid taageero iyo isku dubarid, halkii ay si toos ah uga soo fara gelin lahayd, taas oo u oggolaaneysa FMS in ay si hufan u maareeyaan arrimahooda gudaha.

Dadaallada cusub ee ay wadaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug waxa ay bixiyeen rajo cusub oo ah in maamulada goboleedyadu bilaabeen in ay u istaagaan masuuliyadooda. Tallaabooyinkan waa in la dhiirrigeliyo oo ay taageeraan dhammaan daneeyayaasha caalamka ee doonaya in lagu soo dabaalo nabad iyo hurumar Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM