Denmark: booliska oo aqoonsadey ninkii weerarrada geystey

Image

February 16, 2015 (GO)- Booliska dalka Denmark ayaa shaaciyey magaca iyo macluumaad kale oo ku saabsan ninkii labo maalmood kahor weerarrada ka geystey magaalada Copenhagen.

Af-hayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in ninkaas oo ahaa muwaadin Danish ah lagu magacaabi jirey Cumar Cabulxamiid Xuseyn da'diisuna ahayd 22 jir.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in ninkaasi ahaa mid in muddo ah laamaha sirdoonku dhaq dhaqaaqiisa la socdeen kaasoo caan ku ahaa fal-dambiyeedyada hadda kahorna dhowr mar la xirey.

Weerarka koowaad oo Sabtidii ka dhacay goob maqaayad ah oo ay ka socotey xaflad ku saabsan xoriyatul qowlka waxaa ku dhintey hal qof labo askari oo boolis ahna way ku dhaawacmeen.

Weerarka labaad oo isna dhacay goor hore oo shalay ahayd islamarkaana lala beegsaday kaniisad dadka Yuhuuda ahi leeyihiin waxaa ku dhintey hal qof waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo boolis ah. Nin weerarka soo qaaday saacado kadib ayey boolisku ku toogteen xaafadda Norrebro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM