DF oo balanqaad u sameysay Soomaalida ku nool Wuhan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay quraac sharafeed ugu sameeyay gurigiisa Muqdisho, safiirka China u qaabilsan Soomaaliya, Qin Jian.

Iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka waxaa laga wadahadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah ee wadaaga xiriir taariikheed muddo dheer soo jiray.

Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay inuu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee 'coronavirus' uu ku faafay.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay la kaashan doontaa Dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin".

Wasiirka ayaa u xaqiijiyay Safiirka China in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo dadka China xilligan adag, iyadoo si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka 'coronavirus'.

Waxa uu u rajeeyay in ay ku guulaystaan ka takhaluskiisa gebi ahaan.

Xanuunkaan oo la sheegay in uu ka dhashay cunista duurjoogta ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in uu dilay in ka badan 100 qof, waxaana uu ku dhacay ku dhowaad sideed kun oo ruux, kuwaaso ku kala nool daafafaha dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM