DF oo bandow habeenkii ah ku soo rogtay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed [Xajaar], ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaaladda Muqdisho lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.

Mr Xijaar waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga.

Dadweynaha magaalada madaxda ayuu ka ka codsanay in ay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin,

"Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii hannaanka ugu habboon ee ugu saameynta yar ay ugu xakameyn lahaayeen faafitaanka Cudurka COVID-19 ee ka dhasha Virus-ka Karoona".

Talaabada bandowga lagu soo rogay caasimadda ayaa kusoo aadeysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay fashilmeen isku dayo la doonayey in lagu xiro Masaajida, talaabadaas oo ay ka goos-adeegeen culimada isla markaana sababtay in guddi gaar ah loo saaro si ay cilmi baaris ugu soo sameeyeen kahor inta aan si rasmi ah loo dhaqan-gelin xiritaanka Masaajida iyo Dugsiyada Qur'anka.

MUUQAALKA XIJAAR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM