DF oo hay'addo ku eedeysay kufsi loo geystay gabdho saddex jir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah shaacisay in hay'addo aysan magacaabin ay "maalgeliyeen" kufsi naxdin leh oo gabdho saddex sano jir ah loogu geystay degmada Afgooye.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta, ayaa luuqad adag ku cambaareeyay falkaas oo uu ku tilmaamay "ficil la doonayo in lagu xumeeyo wejiga dadka Soomaaliyeed".

“Waxaan eryada ugu adag, waxaan bani’aadam lagu tilmaami karin ficilka ugu xun waxa sameeya ku cambaaraynaynaa ficilka ka dhacay Afgooye ee lagu waxyeeleeyay, lagu xad gudbay labo caruur ah oo sabi ah," ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu Maareeye dhacdadaas ku tilmaamay "tacadi iyo weerar loo geystay" magaca Soomaaliyeed. "Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa wejigiisa lagu dhigay ceeb," ayuu raaciyey.

Laamaha ammaanka heer qaran, mid gobol iyo kan degmada ayuu cod dheer ugu baaqay in ay ka dabatagaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay xadgudubkaas.

“Waxaan amrayaa ciidamada in baaris aan xad lahayn lagu sameeyo la soo qabto wixii sameeyay, wixii soo dirayna la soo qabto waa la soo diray ee ogaada, shaki yar iigama jiro in dadkaasi la soo adeegsaday," ayuu kusoo xiray.

Gabdhahan 30-kii Maaj, 2020 lagu faraxumeeyay nawaaxiga buundada magaaladaas ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hadda lagula tacaalayaa xaaladooda Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Eheladooda oo sheegay in ay gabdhaha ay reerka wax u dooneyn ayaa ka codsaday madaxda ugu sareysa ee dalka in ay soo farageliyaan kiiska isla markaana ay si hufnaan leh cadaalad ugu helaan.

Dhacdooyinka kufsiga ka dhanka ah dumarka ayaa sanadihii dambe kusoo cusboonaadey gudaha dalka, iyaddoo Puntland ay tahay meesha kaliya ee laga helo sheybaarka dheecaanka oo kiisas badan lagu xukumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM