DF oo Kenya iyo Interpol ka dalbatay in ay gacanta ku dhigaan Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay shaacisay in ay rasmi ah u dalbatay balwo [waaran] caalami ah oo lagu soo xirayo wasiir Cabdirashiid Janan.

Taliska Booliska ayaa war qoraal ah ku sheegay in sidoo kale ay Booliska Caalamka ah ee Interpol u gudbiyeen codsiga ku saabsan in lasoo xiro Wasiirk Amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Dowladda deriska ah ee Kenya ayaa war-saxaafadeedka lagu waydiistay in ay gacanta ku dhigaan Janan, oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Nairob.

Janan ayaa maanta ka degay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo la sheegay in uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas'uuliyiinta gobolka iyo dadka degaanka.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalab ka dhan ah mas'uulka loo gudbiyey Kenya. Hay'adda Amneysta waxay codsatay in la qabto Janan isla markaana loo gacan-geliyo Dowladda Soomaaliya.

Hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay "in aysan caqli gal ahayn" in Janan uu ka baxsado cadaaladda "maadaama lagu tuhunsan yahay dambiyo culus".

Xukuumadda Muqdisho ayay ku boorisay in isla markiiba uu soo galo gacanteeda ay maxkamadeyntiisa ka dhigto mid daahfuran oo aanan marnaba dib loo dhigin.

Bishii August 2019, Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ka yimid Doolow kuna sii jeeday caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

28-kii Janaayo 2020, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsadey goobtii uu ku xirnaa oo ku dhow xarunta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya.

31-kii Janaayo 2020, maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyey in Janan uu doon ku tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna isla maalintaas uu diyaarad qaas ah ugu soo gudbay Kenya "si lo hubiyo caafimaadkiisa".

Hoos ka akhriso qoraal kasoo baxay Booliska

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM