DF oo lagu eedeeyay in ay "dayacday" Soomaalida ku nool Shiinaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax gurmad ah gaarsiinin muwaadiniinta ku nool magaalada Wuhan.

Wuhan, oo Shiinaha ka tirsan halkaasoo ay ku dhaqan yihiin arday badan oo Soomaaliyeed, ayaa waxaa khatar weyn ku haya cudurka Karona vayrus.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku tartarsiiyey xukuumadda in ay si degdeg ah kusoo daabusho Soomaalida si aysan u qaadin xanuunka.

Hadalka siyaasiga ayaa kusoo aadaya iyaddoo safaaradda Soomaaliya shaacisay in wali uusan jirin Soomaali uu ku dhacay cudurkaas.

Hoos ka akhriso qoraalka

Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah.

Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye.

Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan.

Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta.

Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.

Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3,895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM