DF oo markii ugu horreysey adeegsaneysa diyaaradaha Drones-ka

Image

March 7, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horreysey adeegsan doonta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto ururka Al-shabaab.

Wakaaladda wararka shiinaha ee Xinhua oo soo xiganeysa af-hayeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Maxamed Yuusuf ayaa warkan baahisey.

" wadamada aan saaxiibka nahay ayaa nagu caawinaya diyaaradaha bilaa duuliyaha ah si aan ugu adeegsano burburinta kooxda Al-shabaab" Af-hayeenka ayaa sidaas yiri isagoo xusay in wada shaqeyn fiicani ka dhexeyso ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Maraykanka ayaa duqeymo badan oo diyaaradaha bilaa duuliyaha ah oo adeegsadey wuxuu ku diley saraakiil badan oo hoggaanka Al-shabaab ka tirsanaa, waxaana kamid ah hoggaamiyihii hore ee Axmed Cabdi Godane oo September 2014 lagu diley duqeyn ka dhacay duleedka Baraawe.

Xigasho: Xinhua

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM