DF oo shaacisay tirada Shabaab ee tan iyo bilowgii 2020 lagu dilay duqeyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen degaanka Buulo Fulaay ee gobolka Bay ay ku dileen laba Al-Shabaab ka tirsanaa.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, howlgalkaas wadajirka ah ayaa dhacay 27-kii bishaan Maaj ee sanadkan 2020-ka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarada cirka looga hortagayo khatarta sii kordheysa ee kooxdu ku hayso shacabka, dowlada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee AMISOM iyo Mareykanka.

Dhanka kale, xukuumada federaalka ah Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo bilowgii sanadkan 2020 duqeyn lagu khaarijiyey 29 kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Illaa iyo haatan sanadkan 2020, Mareykanka wuxuu Soomaaliya fuliyey ku dhowaad 30 duqeyn oo cirka ah. Dhamaantooda waxaa lala beegsaday Al-Shabaab, sidda ay muujineyso xog-uruurinta.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 oo uu qaadey ku dhowaad 60 howlgal, waxaa saddex meelmood hal daraf lagu bartilmaameedsaday Daacishta Soomaaliya.

ISIL, faraceeda Soomaaliya, ayaa dagaalameyaasheeda waxay ku dhuumaaleystaan buuraleyda Golis, gobolka Bari ee dowladda Puntland.

Sikastaba, Mareykanka ayaa hogaamiya la dagaalanka argagixisada Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxay qeyb ka yihiin dedaalkaas mudada tobanaanka sanno ah socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM