Mid kamid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in duqeyn ay 2-dii bishaan ka fuliyeen degaanka Bush Mariina ee gobolka Baay ay ku dileen Yuusuf Jiis, mid kamid ah aas-aaseyaashii kooxda.

Dhanka kale, Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal wadajir ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Jilib, fariisinka ugu weyn ee dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

War-saxaafadeed kala duwan oo Muqdisho iyo Washington ay soo saareen waxay ku sheegeen in duqeyntaas oo la fuliyey saqdii dhexe ee xalay ay ku dileen shan dagaalame.

Balse ma aysan kala caddeyn xilalka ay hayeen xubnahaas iyo hadii ay ku jiraan saraakiil sarre oo ururka kamid ahaa.

Bayaanka ayaa meesha ka saarey in dad shacab ay waxyeelo kasoo gaartay howlgalkaas, wallow ay jiraan warbixino tilmaamaya in lix qof oo rayid ah ay ku dhinteen howlgalkaas.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeynta oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Baraha internet-ka iyo idaacadaha taageera mowjadaha gaaban ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa buunbuuninaya sheegashooyinka la xiriira waxyeelada dadka shacabka ah.

Maalmihii u dambeeyay milatariga Mareykanka ayaa wuxuu sarre u qaadey duqeymaha dhanka cirka ee uu ku bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab. Dhacdooyinka waxaa laga soo wariyey Jubooyinka iyo Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM