DFS oo dalbatay in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland, sida laga soo xigtay qoraal uu Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan u qoray Deeqbixiyaasha Beesha Calaamka.

Qoraalkaan oo uu helay Warisdaha Garowe Online, ayaa sidoo kale, waxay kaloo dowladda Soomaaliya ay ku diiday inay cusbooneysiiso heshiis saami ku siinayey Somaliland deeqaha laga helo Beesha Caalamka.

Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo.

Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda.

Sababaha ayaa waxaa qeyb ka ah, inay wiiqeyso guud ahaan; inuu wiiqayo in Soomaaliya laga hir-geliyo nidaamka Federaalka, in waxyaabo kale oo loo adeegsado iyo Somaliland ku dhiiro gelineyso inay kasii go'ado dalka.

Somaliland ayaa waxay shaacisay inay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale kadib burburkii dalka, laakiin wali ma aysan helin aqoonsi caalami ah, oo ay ku noqon karto dowlad madax banaan.

Balse, warkaan hadda kasoo baxay dowladda Soomaaliya wuxuu imaanayaa iyadoo maamulka Hargeysa uu saaran yahay culeysyo kala duwan oo uga imaanaya gudaha iyo waliba caalamka.

Wali ma jiro jawaab ay Somaliland ka bixisay qoraalkaan, laakiin, xiriiro uu Warisdaha Garowe Online la sameeyay Madaxtooyadda Somaliland si ay uga jawaabaan nooma aysan suura gelin.

HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM