DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya (SCAA) ayaa sheegtay in ay si buuxda u hayso awoodda sharci ee maamulidda iyo kormeerka hawlaha duulimaadyada ee ka jira aagga Mogadishu Flight Information Region (FIR), iyadoo ka digtay in aan la jebin shuruucda iyo heerarka Caalamiga ee Ururka Duulista Rayidka Adduunka (ICAO).

Hay’addu waxay sheegtay in jebinta ama iska indha-tirka nidaamka caalamiga ah ee duulista rayidka ay keeni karto khatar dhinaca badqabka ah iyo cawaaqib sharci oo culus oo saameyn kara shirkadaha duulimaadyada iyo maamulka hawada ee dalka.

War-saxaafadeedka SCAA ayaa imaanaya kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya muran ka dhashay maamulka hawada Soomaaliya, kadib markii maamulka Somaliland uu soo saaray amar mamnuucaya diyaaradaha inay galaan hawada Somaliland iyada oo aan oggolaansho hore laga helin.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya wali waxay u aragtaa Somaliland qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xarriiqday in maamulka Mogadishu FIR uu yahay mid ay si rasmi ah u aqoonsan tahay ICAO, isla markaana ay Soomaaliya si toos ah uga mas’uul tahay kormeerka iyo maaraynta dhammaan hawada sare ee dalka, iyadoo la raacayo heshiisyada iyo nidaamka caalamiga ah ee duulista.

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda, inay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda iyo tilmaamaha wasaaradda iyo hay’adda duulista, si loo ilaaliyo badqabka, sharciyadda iyo isku xirka duulimaadyada Soomaaliya.

Official document from Somali Civil Aviation Authority titled Administrative and Operational Control of the Mogadishu Flight Information Region. It details compliance with national and international law regulations by the Somali Civil Aviation Authority including management of en-route and terminal flight information services. The document warns of risks to air service safety in the Mogadishu Flight Information Region and mentions flight data link communications with CPDLC and SATCOM to strengthen air traffic control and security. It references failure to comply with Somali Civil Aviation Regulations SCAA and international standards set by aviation laws. Contact information includes email sca.gov.so and is dated 06 Nov 2025 signed by Ahmed Ali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM