DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Axaddii soo saartay digniin culus oo ay ku amrayso dhammaan dadka iyo shirkadaha — oo ay ku jiraan kuwa ajaanibta ah — inay isla markiiba joojiyaan macdan-qodista sharci darrada ah ee ka socota dalka.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ayaa sheegtay in macdan-qodista aan sharciyeysneyn ay khatar ku tahay amniga qaranka, isla markaana ay qayb ka tahay lacagaha sharci darrada ah ee maalgelin kara kooxaha argagixisada.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka kaliya ay awood u leedahay bixinta rukhsadaha baarista iyo soo saarista macdanta, taasoo ku qeexan Dastuurka iyo heshiisyada kala qaybsiga khayraadka.

Wasaaraddu waxay ku amartay cid kasta oo ku lug leh hawlaha sharci darrada ah inay si degdeg ah u joojiyaan, iyadoo ku hanjabtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kuwa ku dhaqma.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in macdan-qodista sharci darrada ahi ay qayb ka tahay dhaqaale ururin loo adeegsado taageeridda argagixisada, taasoo halis gelinaysa nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Laguma sheegin war-saxaafadeedka goobaha ay howlaha sharci-darada ka socdaan.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada Xubnaha ka ah Federaalka, maadaama dalka uu leeyahay fursado weyn oo macdan ah oo aan weli si rasmi ah loo maareyn.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM