Dhimista ciidamada ATMIS oo wadahadalo qoto dheer laga yeeshay

Image
Wadahadalada waxaa qeyb ka ahaa ku wareejinta mas'uuliyada ciidamadda dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef.

Ergayga waxaa wehliyay Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding. Dhinacyada ayaa "ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed".

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa, sidda ay sheegtey Madaxtooyadda, waxa uu bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka".

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay dardargelinta "howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed",

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada," ayay raacisay.

Sidda ku cad bayaanka, Xasan Sheekh ayaa "xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo gobolka".

"Si lamid ah, waxaa uu ahmiyad siinayaa Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM