Diblumaasi: Dowladda Soomaaliya waxay ku cayaareysaa dab

Image
Turkiga ayaa tan iyo bishii July martigeliyay wada-hadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar ayaa Talaadadii Soomaaliya soo gaarsiisay gargaarkii ugu horreeyay ee milateri in ka badan afartan sano, sidda ay xaqiijiyeen saddex ilo-wareedyo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dublamaasiyiinta ayaa sheegay in Soomaaliya ay "ku ciyaareyso dab" isaga oo ula jeedo soo dhaweynta hubka Masar oo uu loolan xooggan kala dhaxeeyo Itoobiya.

Dalabka Masar ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee sanadka soo socda ka bilaabanaya Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika horaantii bishan.

Khuburada ka faallooda amniga gobolka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay noqon karto furin dagaal oo ay isku-hartiyaan dowladaha Itoobiya iyo Masar.

"Haddii Masaarida ay ciidan soo dhoobaan xuduudka Itoobiya, waxay keeni kartaa in labadoodaba iska hor imaad toos ah dhex maro," ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Sahan.

Rashiid oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka Reuters ayaa ku daray: "Khatarta dagaal toos ah oo toogashada ah waa mid yar, laakiin iskahorimaad wakiil ayaa suurtagal ah".

Turkiga ayaa tan iyo bishii July martigeliyay laba wareeg oo wada-hadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ku saabsanaa heshiiska Somaliland, kaasoo aan weli la dhamaystirin.

Wareeg saddexaad ayaa la filayaa bisha soo socota. Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay badda gasho, waana mid kamid ah sababaha fashiliyay wadaxaajoodka isla markaana keentay in lagu kala tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM