Digniin caafimaad oo laga soo saarey biyo fadhiya jidadka Gaalkacyo

Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo Deni ayaa la filayaa inuu dhowaan tago xarunta gobolka Mudug.

GAALKACYO, Puntland - Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo deegaanada ku hareeraysan oo dhawaanahan ay ka curteen roobabkii Gu'ga ayaa waxaa dhex fadhiya wadooyinka biyo faro badan.

Inta badan guryaha magaalada, xarumaha caafimaadka qaybtood iyo xarumaha guud ayaa waxaa fariistay biyo iyada oo ay bulshada magaaladu wado dadaalo ay isaga saarayaan biyaha.

Mid kamid ah bahda caafimaadka gobalka Mudug ayaa u sheegay Garowe Online in halis caafimaad ay ka dhalan karto haddii aan biyahan si degdeg ah looga saarin jidadka ay fadhiyaan.

"Xarumihii caafimaadka qaybtood iyo jidadkii magaalada kuli waxaa ceegaaga Biyo aan xadi lahayn. waxaan ka walaacsannahay in ay Cuduro ka dilaacaan uuna ugu horeeyo daacuunku," ayuu yiri sarkaalkan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu maalmaha soo aadan uu gaaro magaalada Gaalkacyo si uu uga ololeeyo.

Safarkan ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo ilaa hadda la is waydiinayo sababta maamulka gobalka Mudug iyo kan degmada Galkacyo aanay wax uga qaban Biyaha faraha badan ee magaalada dhex fadhiya.

Sidoo kale, mas'uuliyiin xilal horey uga soo qabtay Puntland iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo si ay kulamo ula yeeshaan bulshada iyo madaxda xilka haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM