Digniin laga soo saaray boobka Fahad u maleegayo HOP#086

Image
Odayaasha beesha iska leh kursigan ayaa soo saarey qoraal ay ku diidayaan afduubka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashada heer Dowlad-goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay 13 kursi oo dhawaan codayntooda lagu qabanayo magaaladda Baledweyne ee xuran gobolka Hiiraan sida cad warqad lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada heer Faderaal.

Kuraasta guddigu shaaciyay waxaa ka mid ah hop#086, oo uu sanadkaan raadinayo Fahad Yaasiin Daahir Agaasimihii hore NISA oo wajahaya eedo la xiriira dilkii iyo qarintii Ikraan Tahliin iyo gabood falo siyaasadeed oo uu sameeyay intii uu ahaa agaasimaha hay’ada isaga oo siwayn isku qariya.

Odayaasha iyo nabadoonnada beesha reer Aw-Xasan ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay Fahad Yaasiin odoyaal aan ahayn kuwii rasmiga ahaa uu hada ku xaraystay Villa Soomaaliya si uu ugu boobo kursiga uu raadinaya oo deegaan doorashadiisu tahay Baledweyne.

Odoyaal iyo Nabadoonada oo gaaraya 10 ruux ayaa sheegay in Fahad uu Villa Soomaaliya ku xaraystay Maxamed Xuseen Axmed oo aan ahay Suldaan, Nabadoon ama Ugaas qabiil oo la doortey, balse uu ahaa wakiil saxiixe doorashadii 2016 si uu kursiga ugu sixiixo.

Odoyaasha ayaa ku eedeeyay Maxamed Xuseen Axmed in uu ahaa wakill saxiixihii doorashadil 2016, uuna hadda ku nool yahay goob qarsoon oon la garanaynin, isla markaana dilday codsiyo badan oo uga yimid odayaasha dhaqanka inuu la kulmo ama ka soo qaybgalo shirarkooda si looga tashado arimaha kursiga HOP086

Inuu muddo 6 bilood ah u xareysan yahay murashax ka mid ah musharixiinta u taagan kursigaas (Fahad Yaasiin), si uu ugu qoro ergo isaga u gaar ah oo aan lagala tashan Odayaasha Dhaqanka Beesha iyo Jifooyinka kursiga wada leh.

“Odoyaasha Dhaqanka Reer Ow Xasan waxaa ka go’an in si waafaqsan habraaca Doorashada dalka loo madax baneeyo Hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Reer Ow Xasan soo xulidda 5 ta xubnood ee Guddiga Farsamada, sidaasna ay 5 taas xubnood kusoo xulaan ergada 101da ah iyadoo laga talogalinaayo Odoyaasha Dhaqanka lyo guud ahaan xubnaha beesha” ayay ku sheegeen qoraal ay soo saareen oo uu arkay Garowe Online.

Nabadoonada qoraalka soo saaray ayaa kala ah;-

1- Nabadoon Axmed Muxumed Xaaji Maxamuud

2- Nabadoon Xasan Cumar Abuukar

3- Nabadoon Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Khalilf

4- Suldaan Sheekh Ibraahim Sheekh Cabduqaadir Sheekh Cabdulle

5- Nabadoon Amiin Sheekh Cabdullaahl Sheekh C/deer

6- Nabadoon Sh. Maxamed Cabdullaahi Goosaar

7- Nabadoon Raage Sheekh Cumardaahir Sheekh Cabdullaahi

8- Nabadoon Sheekh Cumar Caagane Xaaji Cabdisamad

9- Nabadoon Xaaji Maxamed Axmed Xaamud

10 -Sheekh Cismaan Macallin Cabdullaahi Cali

Guddiga Doorashada ee heer Federaal FEIT, Guddiga Doorashada ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ayay ka ka codsadeen inay gacan ku siiyaan ka hortagga boobka abaabulan ee baalmarsan habraacyada doorashada dalka ee lala maagan yahay masiirka kursiga HOP086

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM