Digniin loo diray Xildhibaanada aan xaadirin fadhiyada Golaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdikhani Geelle Maxamed ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay sida ay shalay u dhaqmeen xildhibaanada oo ay khudbado u jeediyeen musharaxiinta madaxweynaha.

Inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ayaan shalay tegin Teendhada Afisyooni, oo musharaxiinta Madaxweynaha ay ka jeedinayeen khudbadahooda wax-qabadkooda, waxaana la arkay kuraas badna oo eber ah, halka tirade xildhibaanada tagtay aysan xitaa dhameyn 50, ayada oo xubnaha labada aqal ay yihiin 329.

Inkastoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada uu sheegay in illaa labaatan musharax ay shalay khudbadahooda wax-qabadka jeediyeen ayuu haddana Xildhibaanada kaga digay inaanay maantana samayn, wixii ay shalay sameeyeen oo kale.

“Kuraastani waxay u yaallaan Xildhibaanada oo loo dhigay in ay yimaadaan, waxayna musharaxiinta xaq u leeyihiin in la dhageysto,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”

Khamiista manata ah ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”

Khamiista manata ah ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Soomaaliya
Maqnaanshaha xildhibaanada ayaa muujinaya inaysan wax dan ah ka laheyn inay waxqabad iyo ajende siyaasadeed ku doortaan madaxweynaha, balse taas beddelkeeda ay doorbidayaan dhaqaale ama xulufeysi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arday Soomaaliyeed oo loo diiday Fiisaha Denmark xili uu helay Deeq Waxbarasho oo Midowga Yurub ah

Warbixintan waxay iftiiminaysaa caqabadaha horyaalla ardayda Soomaaliyeed ee doonaya waxbarasho caalami ah.

  • Soomaliya

    18-10-2025

  • 11:39AM

Muqdisho: Hub-ka-dhigis Lala Beegsaday Saraakiil Hore oo Lala Xiriirinayo Mucaaradka

Taliyaha Ciidanka Soomaaliya, Jen. Odowa Yusuf Rageh, ayaa dhawaan sheegay in dhammaan gaadiidka ciidamada oo aan fasax rasmi ah lahayn.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 01:12PM