Diyaarad khamri siddey oo garoonka Muqdisho lagu qabtey

Image

February 25, 2015 (GO)- Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtey diyaarad siddey shixnad khamri ah.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ee Booliska Dowladda Federaalka Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey khamrigan iyo qaabkii lagu qabtey.

Bariise wuxuu sheegay in khamriga oo kartoonno lagu soo cabbeeyey  tira ahaana gaaraya 25,416 la doonayey in si qarsoodi ah magaalada Muqdisho loo soo geleyo.

Taliyuhu faah faahin kama bixin cidda iska leh maandooriyaha gacanta lagu dhigey iyo weliba halka laga keenay.

October 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale dekedda magaalada Muqdisho loogu qabtey labo konteenar oo khamri ah.

Khamriga ugu badan ee Soomaaliya soo gala wuxuu ka yimaadaa dalalka deriska gaar ahaan wadamada Kenya iyo Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM