Diyaarad Ruushka leeyahay oo lagu duqeeyay gudaha Muqdisho

Image
Dhacdadan ayaa dhacday 23-kii Janaayo, balse waxaa la shaaciyay Axadii todobaadkan. Hase ahaatee, ma bixin fahfaahin dheeraad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka  ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, sidda ay sheegtay xukuumadda Moscow.

Diyaaradda oo ka qeybqaadaneysa taageerada dhanka hawada ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa soo gaaray burbur aan la qiyaasi karin.

"Duuliyayaashii Ruushkana waxay u sii wadaan shaqada si caadi ah,” ayay safaaradda Ruushka ee Jqbuuti u sheegtay suxufiyiinta.

Dhacdadan ayaa dhacday 23-kii Janaayo, balse waxaa la shaaciyay Axadii todobaadkan. Hase ahaatee, ma bixin fahfaahin dheeraad ah.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in laga yaabo in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku lug yeelato dhacdadan, waxaana socda baaritaan la xiriira arrintan, sida uu sheegay Sputnik.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ka jawaabin ama ka hadlin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay xafiisyada warfaafinta xukuumadda ma guuleysan.

Ruushka ayaan joogitaan rasmi ay ku lahayn Muqdisho. Hase ahaatee, waxaa ugu magacaaban danjire kaasoo saldhigiisa uu yahay wadamadda Kenya iyo Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM