Diyaarad Ruushka leeyahay oo lagu duqeeyay gudaha Muqdisho

Image
Dhacdadan ayaa dhacday 23-kii Janaayo, balse waxaa la shaaciyay Axadii todobaadkan. Hase ahaatee, ma bixin fahfaahin dheeraad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka  ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, sidda ay sheegtay xukuumadda Moscow.

Diyaaradda oo ka qeybqaadaneysa taageerada dhanka hawada ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa soo gaaray burbur aan la qiyaasi karin.

"Duuliyayaashii Ruushkana waxay u sii wadaan shaqada si caadi ah,” ayay safaaradda Ruushka ee Jqbuuti u sheegtay suxufiyiinta.

Dhacdadan ayaa dhacday 23-kii Janaayo, balse waxaa la shaaciyay Axadii todobaadkan. Hase ahaatee, ma bixin fahfaahin dheeraad ah.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in laga yaabo in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku lug yeelato dhacdadan, waxaana socda baaritaan la xiriira arrintan, sida uu sheegay Sputnik.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ka jawaabin ama ka hadlin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay xafiisyada warfaafinta xukuumadda ma guuleysan.

Ruushka ayaan joogitaan rasmi ay ku lahayn Muqdisho. Hase ahaatee, waxaa ugu magacaaban danjire kaasoo saldhigiisa uu yahay wadamadda Kenya iyo Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM